|
Nin Australian ah ayaa
waxa uu ku dhawaaqay Arin ka yaabisay dad badan oo ku
nool dunida kadib markii uu shaaciyay in uu Iibinayo
Naftiisa, Gurigiisa, Shaqadiisa, dharkiisa iyo Waliba
asxaabtiisa.
Ninkan ayaa carabka ku
dhuftay in arintani ay ku qasabtay kadib markii uu
burburay guur uu galay waxa uuna sheegay in uu doonayo
in uu bilaabo nolol cusub.
"Waa wakhti laga tago
Noloshii hore, lana bilaabo nolol cusub, waxa aan
doonayaa in aan arko meesha nolosheyda ay ii dhaqaajiso,"
Ian Usher, oo 44 jir ah, ayaa u sheegayt Telefeshinka
Australia.
Usher oo nin kasoo jeeda
deegaanka dhaca Galbeedka wadanka Australia ee la
yiraahdo Perth ayaa sheegay noloshiisa guud uu iibinayo
iyo waliba Gurigiisa, isaga oo qiimaha uu doonayo ay
tahay $420,000 (Afar Boqol iyo Labaatan kun) oo lacagta
Australia ah una dhiganta $385,000 oo doolar.
"haye, Magaceygu waa Ian
Usher, nolosheydu waa ay igu filan tahay, ma doonayo wax
badan, waa aad I heli kartaa haddii aad idaneyneyso!,"
ayuu yire ninkan Isaga oo ugu yeeray dadka daneynaya in
ay kala soo xariiraan webka:
www.alife4sale.com, oo ay ka heli
karaan sida loola soo xiriirayo |