War-saxaafadeed ku saabsan xaaladda dadkii ka barokacay Muqdisho oo ay soo saartay Hay'adda Cogwo

Muqdisho (Bilan) - Maanta oo ay taariikhdu tahay 3 da November 2007, waxaa ku wargelineynaa dhamaan saxaafadda madaxa banana, ururrada bulshada, beesha caalamka ee ka shaqeeya arimaha biniaadinimo in muddo dheer ay dadka Soomaaliyeeed ku soo jireen dhibaatooyin kala duwan sida: Dagaalo dabadheeraaday oo dagaalkii ugu danbeeyay ee maalmahan la soo dhaafay uu qasaaro ba’an u geystay dadka rayid ka ah sababayna barakac baahsan taasoo lagu qiyaasay in 70% ay ka qaxeen deegaamadoodii taasoo sii badanineysa kumanaankii qoys ee ka anbabaxay magaalada horaantii sanadkan,

fatahadyo kuwaasoo sababay dhibaato culus oo bini’aadnimo oo ay ku mid tahay darxumo nololeed, cuduro soo noqnoqday, bahi joogta ah, hoy la’aan barakac, kufsi, afduub iyo jirdil, arimahaa oo idil waxaa ka dhashay dad badan ay dhibaato ku jiraan una baahan yihiin kaalmo beni’aadanimo oo degdeg ah sida:

1. Hooy iy hu’ (dhar)

2. Cuno

3. Wax-barasho

4. Caafimaad

5. In loo gaargaaro dadka wax yeelada soo gaartay maskaxiyan (welwel iyo walbahaar)

Sidaa darted waxaa ka codsaneynaa ummada Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyo dibadda, dhamman beesha caalamka in ay la soo gaaraan kaalmo Beni’aadnimo ugu yaraan muddo lix bilood ah.

Waxaan ugu baaqeynaa in la badbaadiyo dadka rayidka ah, lagana joojiyo, dagaalada sababay barakaca iyo wax yeelo ba’an, in lagu xaliyo khilaafaadka taagan wadahadal si colaadda taagan loo joojiyo.

Qoraalkan waxaa soo saaray Hey’adda COGWO:

Dr Nurto Sheikh Mohamed

Agaasimaha Fulinta COGWO

 

Bilan press

Xafiiska Wararka ee Muqdisho