| HAY’ADDA
TUBTA NADBADDA OO SOO BANDHIGTAY....
Muqdisho
(Bilan) - Hay’adda
tubta Nabda ayaa waxay maalintii sahaly aheyd soo bandhigeen maadeys
la magac baxay ‘Dersi kala fogaaday da’yar baa isu
keenta’, maadeyskaas oo lagu soo bandhiagay xarunta bulshada
rayidka oo ku taal magaalada muqdisho ayaa dadkii ka soo qeyb
galay waxay la tacajabeen nuxurka uu xanbaarsanaa maadeyskaasi
iyo waqtiga kooban ee lagu soo bandhigay.
Dakii
ka soo qeyb galay daawashada maadeyskaa ayaa waxay ka kala socdeen
qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Riwaayadan gaaban ayaa Waxaa hal abuuray abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf
oo ka mid ah abwaanada soomliyeed ee caanaka ka ah dalka iyo dibadaba,
mu alifka ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in ay ku saleeyeen
duroofta wadanka soomliyeed uu manta ku sugan ayahay, xaalada
jirtana ay ka turjimeyso,Waxaa Riwaayadaasi jiliinkeeda ka qeb
qaadanayay Makaraan caraaye Maxamuud, Fartuun Xuseen Baajuuni,
Abwaanaka, Nimco Yaasiin ,maxamuud maxamed shido iyo Shamso Maxamed
Xirsi . jilaayaasha ayaa waxay isugu jireen kuwa waalidiin ku
jilayay Riwaayada iyo kuw iyana ku jaliaya caruur la dhalay.
Ujeedka ugu muhiimsan ee laga dheehan karay riwaayadan ayaa waxay
aheyd in aan siyaasada loo adeegsan si qaldan ee loo adeegsado
horomarka wadanka iyo bulshada
Gabgabadii ayaa Waxaa ka hadlay halkaas gadooiyaha Tubta nabada
soomaaliyeed mudane Shirwac ayaa waxa uu sheegay in maadeyskan
ay uga dan lahaayeen wacyi galin ayana gaarsiin doonaan gobolada
dalka qaarkood
Ka soo qeyb gala yaalkana waxa uu uga mahad celiyay waqtigooda
qaaliga ah ee ay soo hureen Ka qeyb galyaasha qaarkood ayaa waxay
soo jeediyeen fikrado kala duwan oo ku wajahan riwaayada
Bilan
press
Xafiiska
Wararka ee Muqdisho
|