GOOS GOOSKA WARGEYSKA BILAN

Xildhibaanada baarlamaanka oo lacago...

Muqdisho (Bilan) - Xildhibaanda baarlamaanka ee fadhigooda yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay ay deeq lacageed gadoonsiiyeen dugsiga Hoose dhexe gabdhaha ee C /lla Deyrow, xabsiga dhexe ee magaalda Baydhabo iyo waliba masaajid ku yaal halkaasi .

Dugsiga C/lla Deyrow ayaa waxa ay gadoonsiiyeen xildhibaanada baarlamaanka lacag cadadkeeda uu gaarayo $65000 oo doolaka maraykan ah halka lacaga kale oo intaasi ka yarna la kala siiyaya masaajidka iyo xabsiga dhexe .

Pro maxamed cumar dalxa gadoomiya ku xigeenka kowada ee baarlamaanka soomliya ayaa waxa uu mahad balaaran u jeediya mar uu ka hadlaya gadoonsiinta ay deeqda gadoonsiinayeen dugsiaga C/lla Deyrow maamulka iyo maclimiinta waxa uuna ku amaanay sida dulqaadka leh ee ay shaqdooda ku wateen.

Maamnulka dugsigaasi iyo qeybihii kale ee lacgaha deeqda ah la gadoonsiiyaya ayaa waxa ay mahad u jeediyeen xildhibaada iska soo u ruriyay qareshaadka deeqda ah
Bilan press

Ra’isul wasaarihii hore ee Pakistaan oo dib...

Ra’isul wasaarihii hore ee dalak Pakistaan haweeneyda lagu magacaabo Banaziir Bhuto ayaa waxa ay ka hada shay qarxii lala beegsaday xili ay ku soo laabaneysay dalkeeda hooyo oo ay uga maqneed masaafuris ay iskeed isugu soo rogtay Bhuto ayaa khamsiitii waxa ay ku soo laabatay dalkeeda pakistaan waxa ayna ka soo kicitantay wadanka imaaradka carabta , Waxaa si heer sare ah loogu soo dgaweeyay garoonka caalamiga ah ee Pakistaan inkasoo soo dhaweeynteedi ka dib lala beegsaday qarxayo sida la sheegay ay fuliyeen naftood horayaaal qarxyadaasi ayaa Waxaa ku geriyooday dad ay tiradooda gaareyso 130 in ka badan .

Bhuto ayaa wax ay sheegtay in aanu hankeeda siyaasadeed waxba aanay u dhimi doonin qaryada lala beegsaday.

Haweeneydan ayaa waxa ay laba mar Ra’isul wasaare ka soo noqotay wadanka Pakistaan hadana waxay dalka uga soo laabatay in ay soo nooleyso Dimuquraadiyada
Waxaana filayaa hadii ay dhacdo in uu Musaharf ku guuleysto doorashan in ay iyana mar seddaxaad noqoto Ra’isul wasaaraha wadankaasi .

Dhowr haween ah oo waxyeelo ay....


Todobaadkan howl galadii kala duwanaa ee ay ciidmadad dowalda iyo kuwa itobiyaanaka ay ka wadeen magaalada ayaa waxa a waxyeelo ka soo gaarat ay haween dhowr ah.

Qarxyo iyo rasaas isdaba taalay oo ka dhacday Arbacadii wadada 30-ka ee magaalad muqdiho ayaa Waxaa ku geeriyoodey haween da’ah oo halkaa mareysay .

Laba haween ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaas ay daraad huwiyeen ciidamada dowlada gaari marayay wadada taleex ee magaalada muqdisho.

Waxaa kaloo jira haween siyaaba kala duwan ay waxyeelo uga soo gaaratay qaraxyada kale ee ka dhacaya magaalada ku waasoo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada muqdisho.

Si kastba aha ahaatee qarxyada iyo is rasaaseenta ka dhacda magaaladsa ayaa inta badan wax ay waxyeelo ka soo gaarta shacbka aan waxba galab san eek u sugan hareerha wadooyinka ay ka dhacaan qaraxyada

Bilan press

Xafiiska Wararka ee Muqdisho